Deg Deg Ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo goordhaw lagu dilay Magaalada Muqdisho

Tuesday, April 22, 20140 comments

Wararka aan ka heleyno Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in goordhaw kooxo hubeesan ay dileen Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, xili uu marayay Xaafada Dabakaanyo Madow ee Degmada Dharkeenley.

Xildhibaanka la dilay oo lagu Magacaabo Xildhibaan C/casiis Isaaq Mursale, ayaa la sheegay in kooxo hubeesan ay ku dileen meel aan gurigiisa ka fogeen oo kutaala Xaafada Dabakaanyo Madow ee Degmada Dharkeenley.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Xildhibaanka Xiliga la dilayay uu kasoo baxay gurigiisa uuna kusii jeeday Xarunta Golaha Shacabka , Balse Kooxo hubeesan ay rasaas badan huwiyeen sidaana ku dhintay.

Waxaa xildhibaamii labaad oo Magaalada Muqdisho lagu dilo maalintii labaad oo xariir ah , waxaana shalay qarax gaarigiisa loogu soo xiray lagu dilay Xildhibaan kale oo katirsanaa Baarlamanaka Soomaaliya. 










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog