Fiirso Sawirada Booqashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagay Baydhabo iyo waxyaabihii uu kala soo kulmay

Wednesday, April 2, 20140 comments

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtay maanta Muqdisho ka dib booqsho labo habeen qaadatay ee uu ku joogay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo iyo la tashiyo la soo sameeyey qeybaha kala duwan ee Bulshada kuna dhiiro-geliyey in artagtida kala duwan lagu xaliyo wadahadal ,dib-uheshiisiin, is-afgarad iyo nabad.

Madaxweyne Xasan sheekh ayaa ka mahad-celiyey sida loogu soo dhaweyey magaalada Baydhabo isla-markaana ugu baaqay siyaasiyiinta iyo shacabka inay midnimo muujiyaan .

“Maanta fursad ayeynu heysanaa waa inaad isku dulqaadataan oo aad meel wada fariisataan si mar walba midnimadda loo ilaaliyo. marar badan ayey dhibaato ka timid is-maqli waa iyo dulqaad yari. Dowladda ayaa hormuud u ah wax walba oo dalka ka socda iyada ayaana masuuliyadda leh marka waa in Dowladda looga dambeeyo waxyaabaha loo igmaday” ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu dambeyntii Hogaamiye dhaqameedyada iyo dhammaan dadkii kale ee uu la kulmay Madaxweyanaha ayaa ka mahad-celiyey booqshadda labada habeen ahayd ee uu Madaxweynahu ku joogay Baydhabo. Sidoo kale Madax Dhaqameedyada ayaa Ballan qaaday inay sii wadayaan wadahadalada, islamarkaana ay la shaqeynayaan Dowladda





















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog