Hadaawan Hadaad Calool Jilicsan Tahay Sawiradda Qarax Xoogan Oo Gil Gilay Magaaladda..

Wednesday, April 2, 20140 comments

Hadaawan hadaad calool jilicsan tahay sawiradan oo laga soo qaaday qarax xoogan oo gil gilay  magaaladda nairobi Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoray in ilaa lix qof la xaqiijiya in ay ku dhinteen labo qarrax oo xalay ruxay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Madaxa booliska Nairobi Benson Kibue,oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in la xaqiijiyay ilaa lix qof in ay ku dhimmatay labada qarrax oo ka kala dhacay maqaayaado ku yaalla Nairobi.slii.

Sarkaalkan wuxuu kaloo sheegay inaysan weli garanayn noocyada loo adeegsaday qaraxyada ka kala dhacay labada maqaaxiyadood, balse “Waxaa socda baaritaano lagu xaqiijinaayo siddii lagu ogaan lahaa weerarka iyo cidda fulisay” ayuu yiri Kibue.

Dadkii ku dhaawacmay labada qarrax ayaa loo kala qaaday dhowr Isbitaal waxaana ka mid ah Kenyatta National Hospital, Guru Nanak hospital iyo Mother and Child Hospital in Eastleigh.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegtay mas’uuliyada qaraxyada xalay gilgilay Nairobi.
















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog