Fiirso Sawirada Dowlada Talyaaniga oo Saanad milatari iyo Gaadiid manta ku wareejisay Ciidanka Dowlada Soomaaliya

Wednesday, April 2, 20140 comments

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa uga mahadceliyay dawladda iyo shacabka Talyaaniga taageerada ay u fudiyeen ciidanka Qalabka, wuxuuna ku tilmaamay ifafaalaha dib u soo laabashada xiriirkii soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyey dawladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday garoonka Muqdisho oo aheyd wareejinta qalab ka koobnaa Gaadiid ciidan oo isugu jiray kuwo dagaal iyo kuwa fududeeya howlaha kale ee ciidan, dharka ciidanka Millateri iyo Boliis, iyo agab kale oo xafiiseed, waxaana munaasabadan ka soo qeybgalay safiirka dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Amb. Andrea Mazzello iyo saraakiil sare sare oo ka socotay Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Talyaaniga iyo midowga Yurub oo iyagu dhanka tababarada ka saacida ciidanka.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa oo goobta ka hadlaya ayaa xusay in qalabkan ay dawladda Talyaanigu ugu deeqday ciidanka uu yimid xilli ay jirtay baahi, maadaama ay haatan howlgalo ciidan ka soconayaan gobolada dalka isla markaana ciidanku u baahnaayeen taakuleynta dhanka gaadiidka iyo agab kale ee ciidanku ku howlgalaan.

“Qalabkani waxa uu ka tarjumayaa heshiiskii iskaashiga dhanka ciidanka ee dhex maray dawladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga bishii September sanadkii hore magaalada Rome, waxaana fileynaa in si buuxda uu u dhaqangalo heshiiskaasi oo muhiimad gaar ah u leh horumarinta iyo dib u dhiska ciidankeena qalabka sida” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale ku dheeraaday howlgalada ciidanka dawladda ee gobolada iyo sidii loo gaarsiin lahaa gurmad raashin, caafimaad, biyo iyo adeegyada kale ee bulshada.

Dhanka kale, Safiirka Dawladda Talyaaniga u fadhiya dalka Soomaaliya Amb. Andrea Mazzello ayaa xusay in taageerida dawladda Talyaaniga ee dawladda Federaalka Soomaaliyeed ay ka tahay daacad, ayna doonayaan inay si toos ah ula tacaamulaan dawladda iyo hogaankeeda.

“Waxaan balan qaadeynaa inaan sii laba jibaarno taageeradeena dawladda Federaalka aanu u fidineyno, waana naga daacad garab istaageena” ayuu yiri ugu dambeyntiina Safiirka Dawladda Talyaaniga uga wakiilka ah dalka Soomaaliya Amb. Andrea Mazzello.















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog