Fiirso Sawirada Soomaali hor leh oo lagu xirayo Garoonka Kasaraani kadib markii ay xabsiyada Nairobi buuxsameen

Tuesday, April 8, 20140 comments

Waxaa Wali Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kasocda howgalo ka dhan ah Soomaalida kunool Halkaasi , Ciidamada amaanka Kenya ayaana wali wada qab qabashada dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Xaafadaha Magaalada Nairobi.

Xabsiyada kuyaala Xaafada Islii iyo qeybo badan oo kamid ah Magaalada Nairobi ayaa buux dhaafay kadib markii lagu xir xiray Soomaali aad u badan , waxaana hada Soomaali badan la isugu geeyay oo lagu xir xiray Garoonka Kasaraani ee Magaalada Nairobi.

Soomaalida la qab qabto ayaa lasoo sheegayaa in la geenayo Garoonka Kubada Cagta ee Kasraani , halkaas ay horey ugu jireen Kumanaan Soomaali ah oo lagu soo qab qabtay howlgalka sida gaarka ah ee Ciidamada Kenya ugu beegsanayaan dadka Soomaaliyeed.

Dadka ku xiran Garoonka Kasraani ayaa lasoo sheegayaan in ay ku jiraan haween Uur leh ,kuwa Da’ ah iyo caruur aad u yar yar, kuwaa oon u adkeesan Karin xaaladaha adage e halkaasi ka taagan sida qabowga habeenkii , waxaana hada laga soo sheegayaa in Soomaalida ku xiran garoonkaasi xaalad xun ay heesato.















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog