Kenya oo Qunsuliyad ka furatay Magaalo kutaala Dalka Soomaaliya

Saturday, April 5, 20140 comments

Dowlada Kenya ayaa markii ugu horeesay waxa ay shaaca ka qaaday in Qunsuliyad ka furatay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose, halkaas oo ciidamo tiro badan oo wata Magaca AMISOM ka joogaan Kenya.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Dibada ee Kenya Karanja Kibicho ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Kenya dhawaan Qunsuliyad ka furatay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose , oo Dowlada Kenya ka joogaan Ciidamo badan.

Karanja Kibicho ayaa sidoo kale sheegay in Dowlada Kenya ay dhawaan qorsheeneyso in Qunsuliyad ka furato Maamulo kale oo kuyaala Dalka Soomaaliya sida Maamulka Somaliland uu xusay in dhawaan ka furan doonaan Qunsuliyad.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Dibada ee Kenya faah faahin dheeraad ah kama bixin Siyaasada ka dambeysa in xiligan Qunsuliyado ka furtaan Qaar kamid ah Maamul Goboleedyada Dalka Soomaaliya ka jira.

Dowladaha Caalamka qaar badan oo kamid ah ayaa inta badan waxa ay dafiraan Jiritaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya , waxa ayna Heshiisyo iyo arimo kale oo xaq u laheed in Dowlada lagala hadlo kala hadlaan Maamul Goboleedyo Dalka ka jira.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog