(Maxaad kala socotaa Awooda Maalqabeenada Yuhuuda ku leeyihiin Siyaasada Dowlada Maraykanka)

Saturday, April 5, 20140 comments

Sheldon Adelson oo ah 80 sano jir ayaa shirkado badan oo Shirkadaha Khamaarka iyo Hotelo badan ku leh Maraykanka gaar ahaan magaalada Las Vegas, waana nin si weyn ugu ololeeya Isra’iil, saameyn weyna ku dhexleh siyaasada Maraykanka maadaama uu maalgeliyo in badan oo kamid ah murashaxiinta u tartamaha xilalka Baarlamaanka iyo waliba xilka Madaxweynaha.

Sheldon Adelson oo lagu tilmaamo ninka 8aad ee ugu dhaqaalaha badan dunnida, ayaa dhaqaalihiisa lagu qiyaasaa $39.9 Bilyan oo dollar. Wuxuuna Ninkan iyo Xaaskiisa doorashadii 2012kii ee Madaxweynaha ku bixiyeen lacag dhan $93 milyan oo dollar!

Sheldon Adelson ayaa todobaadkan Hotelkiisa iyo goobta khamaar(Venetian) ee uu ku leeyahay magaalada Las Vegas ku casumay murashaxiinta xisbiga Jamhuuriga ee u taagan xilka Madaxweynaha doorashada soo socota oo ay ku jiraan dhowr Barasaab (Governors) gobalada New Jersey, Ohio iyo Wisconsin oo ah ragga sida weyn u taageera Isra’iil.


Kulankan Sabtidii lasoo dhaafay ay isugu yimaadeen Maalqabeenada Yuhuuda ah ee awooda kuleh Maraykanka iyo siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga ayaa waxaa la yaab noqotay markii Guddoomiyaha/Barasaabka gobalka New Jersey Governor Chris Christie uu raalin gelin siiyey maalqabeenka Sheldon Adelson.


Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii maalqabeenada Yuhuuda oo uu ugu horeeyo Sheldon Adelson ay ka caroodeen khudbad uu Governorka New Jersey dhawaan jeediyey oo uu uga hadlay safar uu ku tagay dhulka la heysto ee Falastiin.

Chris ayaa khudbadiisaas ku sheegay in sanadkii 2012kii uu booqday “..Dhulka la heysto (Falastiin)”. Maalqabeenada yuhuuda ah ee uu hogaamiyo Sheldon Adelson ayaa ka xanaaqay erayga ah (Dhulka La heysto), arrintaasi oo uu raali gelin ka bixiyey governor Chris.


Maxkamada Sare ee dalka Maraykanka ayaa 2dii bisha April 2014, go’aan muhiim kasoo saartay dood in muddo ah soo socotay oo ku aadan xakameynta dhaqaalaha badan oo ay maalqabeenada iyo shirkadaha waaweyn ee Maraykanka ku bixiyaan murashaxiinta Madaxweynaha iyo waliba Xildhibaanada.

Murashaxiinta u tartamaha xilka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Maraykanka ayaa xiliyada doorashada dalkaasi dhaqaalo badan ka hela shirkado kala duwan iyo Maalqabeeno awood badan kuleh dalkaasi Maraykanka.

Ururada u dooda xaquuqda shacabka ayaa in badan oo kamid ah u ololeenayeen in la xakameeyo awooda ay maalqabeenada Maraykanka ku leeyihiin siyaasiyiinta xilalka muhiimka ah u tartama.


Hase yeeshee maxkamada sare ee Maraykanka oo ka kooban 9 xaakim ayaa si weyn arrintan isugu khilaafay, iyadoo 5 kamid ah Xaakimyada maxkamada sare oo u jeen jeera dhinaca midig ay fasaxeen inaan la xakameyn karin dhaqaalaha maalqabeenada ku maalgeliyaan siyaasiyiinta, halka 4 Xaakim oo dhanka bidix u jeen jeera ay taageereen in la xakameeyo awooda maalqabeenada iyo shirkadaha waaweyn.

Micnaha ka danbeeya xakameynta dhaqaalaha shirkadaha iyo maalqabeenada ayaa ah in aysan noqon laaluush lagu saameeyo siyaasada dowlada Maraykanka.

Balse Xisbiga Jamhuuriga ayaa isagu si weyn u taageersan in shirkadaha waaweyn iyo maalqabeenada loo fasaxo intay doonayaan inay dhaqaale siiyaan siyaasiyiinta.

Go’aanka kasoo baxay Maxkamada Sare ee Maraykanka ee lagu fasaxay maalqabeenada Maraykanka inay sidii ay doonaan u maalgelin doonaan, isla markaana laga qaadayo xakameynta dhaqaalaha ay ku bixin karaan ololaha doorashada ayey dad badan walaac ka muujiyeen, waxaana lagu tilmaamay mid sare usii qaadeysa awooda ay kooxda faro ku tirska ah ee maalqabeenada Maraykanka ee u badan Yuhuuda ay ku leeyihiin hagida siyaasada Maraykanka.


W/Diyaariyay Khalid Yusuf












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog