Rafashada iyo Riinka waa raaxada dumarka xiliga galmada -Sir Muhiim ah

Friday, April 4, 20140 comments

Ragga ayaa la ogaaday  in ay raaxo waali ah ka helaan codka hoose  ee loo yaqaan riinka kaasoo ay sameeyaan dumarka Xiliga loo diyaar garoobayo galamada oo ay socato baashida iyo istiminta.

Dumarka intooda badan ayaa aaminsan in ay ceeb tahay haddii ninkeedu uu maqlo iyadoo sameeneyso codka hoose ee loo yaqaan riinka kaasoo ka dhasha Macaansiga baashida ama galmada ,balse ay ragu ka helaan dareen xoogan oo dhaliya in uu kordho jaceylka uu u qaadayo Lamaanihiisa.

Dumarka arrinkan aamisan ayaa intooda badan isku celiya naqaska isna caburiya xiliga ay socato baashida ama galamada kana been sheega dareenkooda nafeed ,iyagoo dareemaya raaxo aad u macaan oo ay ku nafisayaan oo kaliya in ay sameeyaan codka hoose ee riinka,balse aynu u sameyn karin Xoshood jira dartiisa.

Marka laga fiiriyo dhanka Caafimaadka uma wanaagsana in ay dareenka isku celiyaan waayo arrinkaas cuduro ayaa laga qaada dhinaca galmada ah oo waxaa xanibaad galaya dareen wadayaasha xiligaas u diyaarka ah Macaansiga falgalka labada xubnood marka ay is taabtaan.

NB: Hadii uu ninkaagu arko adoo sidii Alwaaxii oo kale iska yaala Sariirta  isna uu dadaal ugu jiro in uu kugu qanciyo  in aad hesho raaxo macaan adna adaan muujin sida aad u macaansaneyso shaqada Lamaanahaaga, taasi waxeey keeni kartaa in uu iska dhaadhiciyo in uu yahay qof wax-matare  ah,waxaana ka dhalan karto niyad jab ku yimaado in uu nolosha kula sii qeyb sado ama uu iska dhaadhiciyo waxyaabo dhaawici karo mustaqbalkiina.

Dumaryahow ogaada in raggiinu ay jecelyihiin xiliga galmada xalaasha ah in ay maqlaan riinka ka dhasha macaansiga galmada iyo sida dareen ahaan aad u macaansanaysaan shaqadiisa.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog