R/Wasaaraha Soomaaliya oo maanta soo kormeeray Dhoor Wasaaradood oo Muqdisho kutaala (Daawo Sawirada)

Monday, April 28, 20140 comments

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta kormeer ku tagey Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha iyo Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka, waxaana halkaas uu warbixinno uga helay qaar kamid ah hawl-wadeennada wasaaradahaas.

Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa intii uu kormeerkiisa ku guda jiray kulan dheer la qaatay wasiirrada iyo agaasimayaasha wasaaradaha, wuxuuna sidoo kale booqday xafiisyada ay ku shaqeeyaan wasaaradahaasi isagoo shaqaalaha ka hawlgala ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.

“Waxaan idinku ammaanayaa sida aad u gudataan hawlaha qaran ee la idiin xil saaray, waxaana la idinka sugayaa inaad la timaadaan isbaddal ka dhex muuqda hawlaha xukuumadda ee sanadaha soo socda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo la hadlayay shaqaalaha wasaaradaha, isagoo intaas ku daray in sanadkan uu noqonayo sanadkii dib-u-dhiska dalka, isla markaana la doonayo kaalin muuqata inay ka qaataan saddexdan wasaaradood.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay markii uu soo dhammaaday, ayaa waxaa Saxaafadda la hadlay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Ibraahim Aadam oo sheegay in ujeeddada booqashada Ra’iisul Wasaaraha ay tahay u-kuurgalidda shaqada wasaaradaha.

“Booqashada Ra’iisul Wasaaruhu waxay ahayd si loo ogaado hawlaha ka socda halkaan oo saddex wasaaradood daggan yihiin. Wax badan baa laga hadlay waxaana ugu muhiimsan in la adkeeyo ammaanka goobaha ay wasaaraduhu daggan yihiin iyo in saddexda wasaaradood ay soo bandhigaan hawlaha ay dalka u hayaan. Waxaan ku wareejinnay Ra’iisul Wasaaraha buug weyn oo ay ku qoran yihiin waxyaabaha ay qabtaan wasaaraduhu,” ayuu yiri Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta.

Dhiniciisana, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Mudane Faarax Cabdi Xasan ayaa sheegay inay Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyeen hawlaha adag ee horyaalla wasaaraddooda iyo cabaqadaha hortaagan shaqada wasaaradda.

Booqashada uu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed maanta ku tagay qaar kamid ah wasaaradaha xukuumadda ayaa qayb ka ah hawlaha uu doonayo in kor loogu qaado adeegyada ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan wasaaraduhu.
















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog