WAR DEG DEG AH Baarlamaanka Somaliya oo maanta qaatay go,aan aan laga filayn.

Wednesday, April 9, 20140 comments

Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxay maanta laaleen qaadashada Kaararka Aqoonsiga ee Muwaadinimada, ilaa laga horkeenaayo Baarlamaanka.

Xildhibaanada oo shalay iyo maanta dood adag ka yeeshay qaadashada Kaararka Aqoonsiga, ayaa waxay sheegeen in ay soo baxeen wax is daba marin ku aadan bixinta Kaararka Aqoonsiga, isla-markaana ay joojinayaan ilaa laga horkeenaayo Baarlamaanka.

Gudoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sheegay inaan markiisii hore Baarlamaanka lahor keenin barnaamijka bixinta ee Kaararka Aqoonsiga, isla-markaana uu yahay mid ay dhibaato daran ka marayaan shacabka Somaliyeed.

Gudoomiye Ku Xigeenka wuxuu kaloo sheegay in qof kasta laga qaado lacag dhan 17 dollar, marka uu qaadanaayo Kaararka Aqoonsiga, isla-markaana aynaan lacagahaasi ku dhicin Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, oo meelo gaar ah lagu shubto.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Muwaadiniinta Somaliyeed ay dhibaato aan la soo koobi karin kala kulmayaan qaadashada Kaararka Aqoonsiga, isla-markaana uu u muuqdo mid ay wax badan ka khaldan yihiin.

Wuxuu intaa raaciyay inaan hadda kadib la bixin karin Kaararka Aqoonsiga, ilaama laga horkeenaayo Baarlamaanka, ayna ka meel marinayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo qaarkood tagey Xarunta Dad Dhigista ee Degmada Shingaani, oo laga qaato Kaararka Aqoonsiga, ayaa waxay sheegeen in dhibaatada lagala kulmaayo qaadashadiisa, ay tahay wax aan sahlanayn.

Xildhibaanada waxay kaloo wax adag ay ku sheegeen in leesku xiro qaadashada Kaararka Aqoonsiga iyo Passport-ka Somaliga, iyadoo ruuxii doonaaya in uu Passport qaato, marka hore laga doonaayo in uu soo qaato Kaarka Aqoonsiga.

Baarlamaanka, ayaa u muuqdo mid doonaaya in uu ka sal gaaro cidda qaadata lacagaha laga qaado dadka doonaaya, in ay qaataan Kaararka Aqoonsiga ee Muwaadinimada.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog