Fiirso Fadeexo Fanaan Mohamed BK oo sheegtay hees Muqdisho lagu sameeyay 2005-tii

Wednesday, April 9, 20140 comments

Fanaanka Mohamed BK ayaa telefishin laga leeyahay Somaliland ka soo muuqday isagoo sheeganaya hees Muqdisho lagu sameeyay sanadkii 2005.

Warbaahintaan ayaa heshay Cod la duubay habeenkii laxanka lagu saaray Muqdisho 2005, waxaana qaadaya Al-Fanaan Wadanoole,sida aad ka dhageysan kartaan qeybta sare ee Realplayer-ka.

Fanaan Mohamed BK oo sida muuqata lagu qalday heesta wuxuu tibaaxay in heesta qisa dhaba laga sameeyay hasse yeeshee wuxuu dhinaca kale yiri"LAXANKA IYO ERAYADA WAXAA SAMEEYAY ABWAAN XASAN DHUXUL LAABSALAAX" taas oo  Fanaaniintii daawatay ka maageen.

Heesta waxaa Erayadeeda sameeyay Abwaan Salaad Cabdulle Caadle oo ah Abwaankii sameeyay heesta Wariyaha XAQDHOWR sidoo kalena waxaa heesta si wadajira u laxameeyay Mohamed Sheekh Cabdullahi WADANOOLE iyo Cabduqadir Filfil.

Heesta Orjinaalkeeda waxaa ku luqaaya Fanaanka codka Sudanta leh ee WADANOOLE laakiin nasiibdaro XASAN LAABSALAAX oo ka mida ardayda uu Laxameeynta baray WADANOOLE ayaa heesta xaday.

WADANOOLE oo telefoon kula soo xiriiray warbaahinta ayaa yiri " XASAN DHUXUL LAABSALAAX WAA SAAXIIBKEEY LAAKIIN KAMA FILAN INUU SHEEGTO HEES AAN LEEYAHAY OO SANADKII 2005 LAXAMEEYAY"

Lama oga inuu cudur daar bixin doono Fanaan Mohamed BK balse waxay falka nuucaana fadeexo ku tahay Ninka heesta isku qoray ee Xasan Laab Salaax iyadoo durba Fanaaniin,Mulaxamiisteyaal iyo Abwaaniin Soomaaliyeed ku soo qoreen Facebook erayo ka dhana LAABSALAAX sida "WAA FASHILMAY LAABSALAAX OO MARKII HOREBA LAGU XAMIN JIRAY INUU LAXAMO IYO ERAYO DAD KALE LEEYIHIIN SHEEGAN JIRAY "











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog