Waxaa Maanta xiran Wadooyin Muhiim ah, oo u xiran Dabaal dag ka dhacaya Magaalada Muqdisho

Saturday, April 12, 20140 comments

Waxaa Maanta Xiran wadooyin Muhiim ah oo kuyaala Magaalada Muqdisho , kuwaa oo loo diiday isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoona meel walbo lasoo dhigay ciidamo tiro badan.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa maanta gabi ahaan xiray wadooyinka Sodonka iyo Warshadaha , waxaana meel kast oo kamid ah Wadooyinkaasi saakay lagu arkayaa ciidamo badan oo katirsan Milatariga .

Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga waxaa xiligan kasocda Munaasabad balaaran oo lagu xusayo sanad guuradii 54-aad ee kasoo wareegtay markii aas aasay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale ayaana ka qeyb galaya Munaasbada Xuska 12-ka April ee maanta lagu qabanayo xarunta Wasaarada Gaashaandhiga, Ciidanka Xooga ayaana halkaasi kuso bandhigaya gaardoka ciyaar .
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog