Xarakada Al-Shabaab iyo Waxgarad kasoo Jeeda Murusade oo Kulan Xasaasi ah yeeshay iyo Xog ku aadan waxii ay ka hadleen

Monday, April 14, 20140 comments

Wararka aan ka heleyno Deegaanka Dirri ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Maalintii shalay halkaasi uu ka dhacay Kulan Xasaasi ah oo ay yeesheen Saraakiil sar sare oo katirsan Al-Shabaab iyo Waxgaradka Beesha Murusade ee Deegaankaasi kunool.

Kulanka ayaa ahaa mid ay ku baaqday Xarakada Al-Shabaab uguna yeertay Waxgaradka Beesha Murusade, iyagoona ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan Dagaalka ay kulajiraan Ciidamada Itoobiya ayna keenaan Wiilal dagaalama iyo hanti.

Labada Dhinac kulanka ay yeesheen ayaa inta badan lagu lafa guray sidii Waxgaradka Beesha Murusade eek u dhaqan Galgaduud ay u tagaeeri laheen Al-Shabaab ayna ku bixin laheed Dagaalka ay kala horjeedaan Ciidamada Itoobiya Naf iyo Maal.

Qaar kamid ah Waxgaradka Beesha Murusade ee kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay taageerayaan Dagaalada ay Al-Shabaab wadaan ayna ku deeqayaan Dhalinyaro dagaalanta iyo Xoolo si bay yiraahdeen Cadowga Itoobiya ee Gobolkaasi kusoo duulay loo naafeeyo.

Sida Wararka aan ku heleyno Kulanka ka Dhacay Deegaanka Dirri ee Gobolka Galgaduud waxaa ka qeyb galay Saraakiil sar sare oo katirsan AL-Shabaab ay ku jiraan Afhayeenka Al-Shabaab Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) iyo Sheekh XasanYacquub Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud.

Al-Shabaab ayaa ku wargalisay Lafaha kala duwan ee ka kooban tahay Beesha Murusade ee ku dhaqan Gobolka Galgaduud in ay taageeraan Dagaalada ay wadaan lagana doonayo in ay keenaan Dhalinyaro Dagaalanta , Hub iyo Xoolo.

Xarakada Al-Shabaab ayaa inta badan marka ay dagaalo Culus soo wajahaan waxa ay dib ugu laabtaan qabaa’ilada kunool Deegaanada ay gacanta ku hayaan kuwaa ay ku amraan in ay keenaan Wiilal dagaalama sidoo kale ay bixiyaan Xoolo dagaalka lagu xoojiyo.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog