Deg Deg Ah Dagaal aad u Culus oo hada kasocda Agagaarka Kuliyadii Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho

Monday, April 14, 20140 comments

Wararka kusoo dhacaya Warqabadka Shabakada newbanaadir.com ayaa sheegaya in xiligan uu dagaal Culus uu kasocda agagaarka Kuliyadii Hore ee Jaaliye Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa kasocda Halka loo yaqaan Haanta Dheer iyo Xeradii Saben Saben waxa uuna u dhaxeeyaa sida aan Wararka ku heleyno Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo u abaabulan qaab beeleed.

Rasaas xoogan ay is dhaafsanayaan dhinacyada Dagaalamaya ayaa laga maqlayaa xaafadaha ku dhaw dhaw halka uu hada kasocdo Dagaalka ku saleesan qaab beeleedka ee u dhaxeeya Ciidamo kuwada labisan dareeska Ciidanka Dowlada.

Xaalada halka uu dagaalku kasocdo ayaa ah mid cakiran , waxaana la arkayaa dad ka barakacaya xaafadaha ku dhaw dhaw halka dagaalku uu kasocdo , mana jiraan ila ahada cid soo kala dhax gashay dhinacyada dagaalamaya.

Waxaa lasoo sheegayaa in ay jiraan Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada Dagaalmaaya iyo waliba dad Shacab ah , waxaana adag in loo gurmado dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi oo xarun u ah Kuliyada Jaale Siyaad ayaa u muuqda kuwa sheeda ka eeganaya dagaalka hada soconaya , mana jiro wax tilaabo ah ay ku kala dhax galayaan dhinacyada dagaalamay ay qaadeen

Waxii Warar ah ee kusoo Kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog