Xarakada Al-Shabaab oo ka dhiidhisay Raafka iyo Dhibka lagu hayo Soomaalida Nairobi kunool Baaq Culusna u diray Dadkaasi

Tuesday, April 15, 20140 comments

Afhayeenka Guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa ka hadlay raafka iyo dhibaatooyinka kale ee Ciidamada Kenya ku hayaan Soomaalida kunool Dalka Kenya gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada Nairobi.

Sheekh Cali Dheere ayaa ku sifeeyay Howlgalka ay wadaan Ciidamada Kenya in dadka masaakiinta ah ku dhibaateenayaan, uuna yahay mid ku saleesan Naceyb ay u qabaan diinta Islaamka , waxa uuna waxbo kama jiraan ku tilmaamay in dadkaasi la xir xirayo ay Shabaab wax xariir ah la leeyihiin.

‘’ Waxaa noo cadaatay in Dowlada Kenya ay soo bandhigayso naceybka muslimiinta u qabtaan, ma cunug yar oo hal sano jir ah , haween ama Odey waayeel ayaa al-Shabaab ah?’’ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab ayaa baaq ujeediyay Soomaalida Kenya ku sugan oo ah in aysan qaadan dulli iyo ihaano ka dhan ah sharafkooda , wuxuuna muslimiinta Kenya Allaah uga baryay in uu dhibaatada ka qaado.

Hadalka kasoo baxay Afhayeenka Al-Shabaab ayaa imaanaya Xili Magaalada Nairobi lagu xir xiray kumanaan Soomaali ah oo lagu heesto sharci daro in ay xariir la leyihiin Dagaalyahanada Al-shabaab ee ka dagaalamay gudaha Soomaaliya.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog