Wararka ka imaanaya Degmada Taleex ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan Maamulka Somaliland iyo Maleeshiyaad kasoo jeeda Gobolka Sool maanta ay la wareegeen Degmada Taleex ee Gobolka Sool.
Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa hada lasoo sheegayaa in ay isku fidiyeen Degmada Taleex iyo Deegaano kale oo hoos taga ,ayna la wareegeen Xarun ay ku shiri jireen Maamulka Khaatumo State ee magaaladaasi maamuli jiray.
Ciidamadii Maamulka Khaatumo ayaa isaga baxay Degmada Taleex kadib markii ay kusoo dhawaadeen Ciidamada Maamulka Somaliland , wararka hada laga helayo Taleex ayaa sheegaya in Rasaas ay ridayaan Ciidamada Somaliland laga maqlayo Degmadaasi.
Xaalada Degmada Taleex ayaa hada ah mid kacsan ,waxaana lasoo sheegayaa in halkaasi ay ka jirto xiisad dagaal lagana cabsi qabo in halkaasi ay dib ugu soo laabtaan Ciidamada Maamulka Khaatumo oo gacan ka helaya Ciidamada Puntiland.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
