Daawo Munaasabad uu xilka kula wareegayo Gudoomiyaha Cusub ee Maxkamada Ciidanka Qalabka sida oo Muqdisho hada kasocota

Thursday, May 22, 20140 comments

Munaasabad balaaran uu xilka kula wareegayo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya Col. C/Raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa xiligan waxa ay kasocotaa Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir.

Munaasabada uu xilka kula wareegayo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida oo lagu magacaabay maalmo kahor wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka qeyb galaya Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya iyo Saraakiil kasocota Hay’aaha Garsoorka Dalka.

Gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Col. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo Korneyl Cumdda lagu naaneyso, waxaana la sheegay inuu yahay Sarkaal in Muddo ah kasoo shaqeeynayay Howlaha Ciidamada, waana Aqoonyahan Khibrad iyo Barashaba ka heysta Siyaasadda iyo Sharciga.

Munaasabada Xil wareejinta Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa xili Hay’ada Human Rigths Watch oo u dooda xuquuqda aadanaha ay ku eedeesay Maxkamada ciidanka Qalabka sida fulinta Xukuno sharci daro ah oon cadaalada ku saleesneen.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog