Kulan si heer Sare Loo Soo Agaasimay ayaa Lagu Qabtay Xaafada ay Soomaalidu ku Badan Tahay Bellville Ee Magaalada Cape Town, Waxaana Ka Qeyb Galay Madaxda Kala Duwan Ee Jaaliyadaha, Ururada Arimaha Bulshada, Qeybaha Waxgaradka, Dhalinyarada Soomaalida Iyo Madax Kala Duwan Kuwaa oo ka Kala Tagay Deegaanada Cape Town ay Ka Gooban Tahay.
Kulan Oo ay soo Qaban Qaabiyeen Jaaliyada Somali Community Board Ayaa Ujeedkiisa Waxaa uu ahaa In Isbadal Lagu Sameeyo Hogaanka Jaaliyada Isla Markaana La Dar Dargaliyo Howlaha ay u Hayeen bulshada soomaaliyeed ee ku Nool Magaalada Cape Town ,
Waxaradka Kala Duwan ee Soomaalida Iyo Madaxda Jaaliyada ayaa Halkaa Ka jeediyay Qudbado Kala Duwan Kuwaa Oo Badnaa Guubaabo Dardaaran iyo Hambalyo Maamulka Cusub Loo Diray, Halka Mahad Celin sido Kale La Siiyay Maamulkii Hore Ee Jaaliyadaan Oo Malmo Ka Hor Ka Mid Noqday Dad Boqolaal ah Oo Hey’ada UNHCR Isku Dhiibay Loona Qaaday Dalkaasi Mareykanka.
Gudoomiyaha Cusub ee Xilkaan Loo Caleemo Saaray Aqoon yahan Sheekh Cabdirashiid Sheekh Caafi ayaa Sheegay In Jaaliyada Somali Community Board Markaan La Dar Dar galin Doono Howlahii Bulshada ay u Qabatay, Isla Markaana Ay Xooga Saari doonaan Qorsha Cusub Oo Talaabooyinka Ugu Horeeya ay Noqon Doonaan Sharciyada Ay Ku Dhiban yihiin Soomaalida Iyo Isdhaxgalka Bulshada.
Gudoomiya Ku Xigeenka Jaaliyada Somali community Mudane Muuse Muude afrax Ayaa Sheegay Inta ay Howsha Wadeen Ay Hore Usoo Qabteen Howlo Badan Oo ay Ku Diirsadeen Bulshada Soomaaliyeed Ee Ku Nool Dalka South africa Mar walba ay u Taagan yihiin Howlaha Bulshada.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com