Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho General Xasan maxamed Xuseen Muungaab ayaa ku dhawaqaaday In ay Bilaabatay Xiligii la isku Celin hantida Maguurtada ah oo la kala Heysto
Shalay ayaa waxaa degmada Hiliwaa laga Fuliyey amar ay soo gaartay maxkamada gobolka banaadir taas ku Salaysneed guri ku yaala degmada Hiliwaa oo ay laheed Hooyo Soomaliyeed looga saaro dad daganaa sidoo kalana waxaa fulinta Amarka gudoomiyaha ka qeyb galay ciidamada Amaanka Sida Nabad Sugida Police gobolka banaadir.
Sidoo kale waxaa iyana la bur buriyay Guryo sharci daro ah oo kuyaala Degmada Hiliwaa kadib markii Maamulka Gobolka Bnaaadir uu amray in la bur buriyo Guryaha iyo goobaha kale ee sida Sharci darada ah loo dhistay.
howl galkan lagu bur burinayo guryaha sida sharci darada ah Loo heysta ayaa waxay Ku Beegmaysaa kadib markii uu duqa caasimadu Sheegay in la isku celiyo hantida la kala heysto sida magaalada dib loogu soo Laabto taas oo ah tan kaliya oo sabab u Noqon karta in Soomaliya ay dib isku Aaminto.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com