Daawo Sawiro,Danjiraha Soomaaliya U Fadhiya Dalka Kuwait C/Qaadir Amiin Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiiyay Qaar Ka Mid Ah Ardayda Wax Ka Barata Dalkaasi

Sunday, May 18, 20140 comments

C/qaadir Amin Sheekh oo ah Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait ayaa kulan la qaatay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata macaahidda iyo Jaamacadaha kala duwan ee dalkaasi.

Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay Safaarada Soomaaliya ee dalka Kuwait waxaa kulanka goob joog ka ahaa  Qunsulka Safaaradda mudane Abiib Muuse Faarax iyo howlwadeenada Safaaradda.

Jamaal Axmed Diini oo ah Gudoomiyaha ardayda  deeqaha wax barasho ku jooga dalka Kuwait ayaa ka hadlay kulanka ay yeesheen ardayda soomaaliyeed wax ka barata halkaas iyo mas’uuliyiinta Safaarada Soomaaliya ee dalka Kuwait wuxuuna ka war bixiyay guud ahaan nolasha iyo waxbarashada ardayda, isagoo  tilmaamay  ahmiyadda uu kulankani u leeyahay ardayda.

Gudoomiye Jamaal ayaa xusay in  caqabado dhowr ah ay jiraan kaas  oo  haysta Ardayda soomaaliyeed ee wax kabarata halkaas wuxuuna ka codsaday madaxda safaarada iney wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi.

Danjire C/qaadir Amiin Sheekh Abubakar oo kulanka ka hadlay ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay kulanka uu ardayda la qaatay iyo isxilqaanka ay muujiyeen.Sidoo kale Danjiraha ayaa carrabka ku adkeeyay in ka safaarad ahaan ay wax badan ka qaban doonaan caqabadaha ay soo bandhigeen ardayda ayna qaadi doonaan talaabo kasta oo ay wax uga qaban karaan.

Ugu Danbeyn Danjire C/Qaadir Amiin Sheekh  ayaa  waxa uu halkaasi shahaado Sharaf ku Gudoonsiiyay  arday kaalinta koowaad ka galay waxbarashada sanad dugsiyeeedka 2013-2014.


















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog