Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maalintii shalay aheyd booqasho ku tagey magaalada Jowhar Ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe.
Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa faah faahin ka bixiyay booqashada Danjiraha Qaramada Midoobay Nikolas kay uu ku tagay magaalada jowhar waxa ayna shegeen in booqashadiisu ay haeyd u kuurgalida xaalada gobolka iyo baahida guud ee shacabka ku dhaqan halkaasi maadaama ay fatahaadii wobiyada ay sameen ku yeesheen.
Gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe Cabdi Jiinoow ayaa waxa yiri“Booqashada uu noogu yimid shalay Niklos Kay waxey aheyd inu u kuurgalo xaalada uu xiligan gobolku ku suganyahay, inuu arko shacabku siduu yahay iyo inuu indha indheeyo bii’ada ayuu u yimid, wuxuuna shalay na soo gaaray Sagaalkii aroornimo wuxuuna naga tegay ila Sadexda galabnimo, intaasna wuxuu ku jiray kormeero iyo kulamo uu la qaadanayay maamulka gobolka” ayuu yiri Cabdi Jiinoow gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe.
Nicholas Kay ayaa waxa uu indhisiisa ku arkay baahida ka jirta gobolka ee dhinacyada caafimaadka waxbarashada iyo dib u dhiska adeegyadi bulshada.islamarkaana uu Wakiilka Qaramada midoobay uu balan qaaday dib u dhiska waddooyinka iyo horumarinta adeegyada bulshada
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com