Dagaal culus, ayaa caweysnimadii xalay ka dhacay halka loo yaqaano Arbacow oo ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha, iyadoo ay soo xigto dhinaca Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.
Xoogag hubeysan oo la rumeysan yahay in ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, ayaa dagaal toos ah la galay Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ee fariisimaha ku leh aagga Arbacow.
Dagaalkaan oo markii hore ku bilowday madaafiic lagu garaacay fariisimaha Ciidamada Amisom, ayaa waxaa xigay dagaal fool ka fool leh, markii Shabaabku ku soo dhowaadeen fariisimaha Amisom.
Daryanka sawaxanka hubka waaweyn, ayaa xalay laga maqlaayay Degmooyinka Wadajir, Dharkiinley iyo Kaxda, sidoo kalana deegaanada Calamadaha, Ceelasha Biyaha, Lafoole iyo meelaha kale ee ku dhow dhow, ayaa sidoo kale laga maqlaayay.
Ciidamadii Shabaabka ee weerarka soo qaaday, ayaa la sheegay in ay soo qaadeen wadooyinka qardo jeex ah, kana soo dul dhaceen fariisimaha Xoogaga Amisom ku lee yihiin Laanta Arbacow.
Dagaalka oo muddo saacad xiriir ah ka soconaayay Arbacow, ayaan la garanayn khasaaraha ka dhashay, iyadoo dhanka kalana aysan jirin weli cid wax faah faahin ah ka soo saartay.

_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com