Muwaadiniinta Mareykanka Iyo Britain Ee Kenya Ku Sugan Oo La Amray In Safaaradaha Iska Diiwaan Geliyaan

Thursday, May 15, 20140 comments

Dalalka Mareykanka iyo Britain oo ka mid ah dalalka dunida ee horumaray, ayaa digniino adag u jeediyay Muwaadiniintooda ku sugan Magaalooyinka dalka Kenya, si ammaankoodu loo xaqiijiyo.

Warbixin ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa waxay ku baaqday dadka Mareykanka u dhashay ee ku sugan dalka Kenya, in si deg deg ah isaga diiwaan geliyaan Safaarada Mareykanka uu ku lee yahay Magaalada Nairobi.

Warbixinta waxaa lagu xusay in Ururka Al Shabaab uu maleygaayo weeraro argagaxiso, oo ay ka fuliyaan Magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya ku yaala, iyadoo ay suurta gal tahay in ay beegsadaan Muwaadiniinta Mareykanka ee dalkaasi ku sugan.

Tallaabada loogu amray in ay iska diiwaan geliyaan Safaarada Nairobi, ayaa waxaa lagu sheegay mid lagu suggaayo ammaankooda, haddii khatar ka soo wajahdo Al Shabaab.

Sidoo kale Dowladda Britain, ayaa sidaasi si lamid ah Muwaadiniinteeda kaga digtay khataro kaga soo wajahan Al Shabaab, isla-markaana ay iska diiwaan geliyaan Safaarada Britain ku lee dahay Magaalada Nairobi.

Wixii ka dambeeyay markii Ciidanka Kenya gudaha u soo galeen Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, ayaa waxay Kenya marti u noqotay weeraro aan horey dalkaasi kaga dhici jirin.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog