Waxaa Goordhaw Qarax Xoogan oo loo maleenayo in uu yahay mid Ismiidaamin gaari loo adeegsaday uu ka dhacay agagaarka Isgooska KM-4 ee Magaaada Muqdisho, waxaana xiligan halkaasi laga maqayaa rasaas aan la ogeyn cida rideysa.
Goob jooge kusugan Isgooska No-4 ayaa noo sheegay in qaraxu ka dhacay agagaarka aargada KM-4 , Ciidamo katirsan Dowlada ayaa lagu arkayaa agagaarka halka uu qaraxu ka dhacay kuwaa oo dadka ku amraya in halkaasi ka fogaadaan
Lama oga ilaa hada qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxan , waxaana goobta kusii qul qulaya oo dhaawacyada qaadaya gaadiidka Ambalaasta.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah
