Marka loo eego xaqiiqda dhabta ah Xildhibaanada katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Magaladaa Muqdisho, waxa ay la kulmayaan dhibaatooyin dhinaca amaanka ah , waxaana kordhay maalmihii lasoo dhaafay beegsiga lagu hayo Xildhibaanada.
Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ma heestaan ilaalo ku filan qaarkood ayaa wata hal askari , halka kuwa kalana aysan laheyn ilaalo , waxaana aarintaasi loo sababeeyay qarashka uu Xildhibaanku helo oon ka badneen noloshiisa iyo hotelka am guriga uu dagan yahay.
Magaalada Muqdisho waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay Mudooyinkii lasoo dhaafay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya , kuwaa oo la ugaarsaday kadib markii la ogaaday in aysan laheen ilaalo ,waxaana taasi dhalisay in si sahlan lagu qaarijiyo dhoor Xildhibaan.
Marka la eego Magaalada Muqdisho Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ka qiimo badan oo si weyn amaankooda loo ilaaliyaa Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir , waxaana Gudoomiye kasta uu leeyahay ciidamo gaar ah oo ilaaliya.
Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir Gudoomiyaha ugu ilaalada yar waxa uu heestaa ilaa 10-Askari oo ku hubeesan hubka nuucyadiisa kala duwan , waxaana mararka qaar dhacda in ilaalada Gudoomiyasaha Degmooyinka Gobolka ay ka bataan Wasiiro Muhiim ah oo katirsan Xukuumada Soomaaliya.
Dowlada Soomaaliya Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya uma aysan sameyn ilaalo u gaar ah , waxaana Xildhibaanada badankood ay ilaalo ka dhigtaan hal askari oo ay qaraabo yihiin , waxaana dhacda in Xildhibaanada qaarkood gawaarida ay wataan meelo cidlo ah uga tagaan marka ay waayaan meel ay ku xareeyaan , arintaas ayaa iyana fududeesay in gawaaridaasi waxyaabaha qarxa loogu soo xiro.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
