Fiirso Sawirada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo qoslaya ku lugeeyay Laamiga dheer ee Maka Al-Mukarama

Thursday, May 8, 20140 comments

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay arin dhoolo tus u muuqatay waxa uu kusoo bandhigay Magaalada Muqdisho isagoona ku lugeeyay qeybo kamid ah Laamiga Maka Al-Mukarama kuna galay Xarunta Madaxtooyada.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay xili Xisaasad Siyaasadeed ee soo wajahday , waxaana taa badalkeeda Madaxweynaha iyo Xertiisa ay go’aansadeen in ay Muqdisho ka sameeyaan dhoolo tus u muuqda mid la qorsheeyay.

Dadweyne badan oo laga kala keenay Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la tubay hareeraha laamiga Maka Al-Mukarama si ay madaxweynaha usoo dhaweeyaan iyaga oo sawiradiisa hayana ayna u luxaan caleemo qoyan , Madaxweynaha ayaa isaga oo dhoola cadeenaya waxa uu salaamayay shacabkii soo dhaweenayay .

Madaxweyne Xasan Sheekh markii uu safar dibada aado ma dhici jirin in sidan oo kale loo soo dhaweeyo , waxaana soo dhaweyntii shalay loo sameeyay ay muujineysaa in dadka la tusayo in Madaxweynaha uu taageero badan kaheesto Bulshada Soomaaliyeed.



































_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog