Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/Hose ayaa sheegaya in dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay jidka u galeen ayna rasaas ku rideen kolonyo gaadiid ah oo galbineysay R/Wasaaraha Soomaaliya oo kusii jeeday Degmada Qoryooley ee Gobolka Sh/Hoose.
R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa saakay ka baxay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose halkaa uu xalay ku hoyday , waxa uuna saakay u safray Degmada Qoryooley oo dhawaan la wareegeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM .
Weerarka AL-Shabaab ee dhaba galka ah ayaa ka dhacay Deegaanka lagu Magacaabo Buulo Sheekh , lamana oga wali qasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo daqiiqado yar socday , Warbaahinta Al-Shabaab ayaana tabisay in weerarka lagu qaaday Lolonyada galbineesay R/Wasaaraha uu ahaa mid aad u cuslaa.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
