Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Gen Xasan Xuseen Muungaab ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka ee madaxweynaha u soo jeediyay in uu is casilo in ay ka laabtaan go'aankaas oo ay dalka badbaadiyaan.
Muungaab oo la hadlaayay boqolaal qof oo isugu soo baxay gegida cayaaraha ee Koonis ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay in la badbaadiyo dalka.
Wuxuu sheegay in loo baahan yahay xildhibaannada in ay maslaxadda dalka ay fiiriyaan oo ay ka laabtaan baaqa ah in uu madxweynaha is casilo.
Muungaab wuxuu tilmamaay in loo baahan yahay isbadal balse xildhibaannadu arrintooda aaaney noqon wax in la dumiyo uun.
Hadalka Muungaaab ayaa daba socda markii maanta dadweyne fara badan oo ka kala yimid degmooyinka gobalka Banaadir ay qaybgalayn dibad bax ballaaran oo ka dhacay garoonka cayaaraha ee Banaadir ee degmada Cabdi Casiis, waxaana dalkaas ay taageersanaayeen madaxweynaha iyagoona ka soo horjeeday xildhibaannada ku baaqay in uu madaxweynaha is-casilo.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com