Jaceylku waa shey qaali ah oo ku lamaansan jiritaanka Nolosha Aadanaha , Jaceyl ma ahan wax laga maarmi karo magaca uu wato ayaad ka garan kartaa oo qof waliba ayaa wax uun jecel. Lixda Xaraf ee uu Erayga jaceyl ka kooban yahay asal ahaan dadka caashaqa lafa gura mid waliba micno gooni ah ayey ku idbaareen, waxa ayna ka dhigeen Erayo Macnayaal dhameystiran leh oo la isku geeyey kuwaas oo kala ah.
J ———Jahawareer
A——— Amakaag
C——— Calaacal
A———- Anfariir
Y———- Yaab
L———– Luul
Hadaba Erayadan waxa ay mid mid u muujinayaan Jaceylka iyo waxa lagala Kulmo, Run ahaantii mar waa jahawaree, Marna amakaag ayuu kugu ridaa, mar waa la calaacashaa, mar Anfariir, mar yaab marna waa Farxadoo Luul ayuu luqunta kuu galiyaa. Bal markan aanu eegno Eryaga jaceyl marka luuqada Ingariiska loo dhigo LOVE isna waxa uu noqonayaa sida tan
. L—Lack of Pleasure
( Faraxad la’aan)
O—Ocean of madness
( Bada Murugada)
V—Vellay of Death
( Dooxada Dhimashada)
E—End of live
( Dhamaadka nolosha)
Hadaba macnaha kooban ee jacaylka waa macaan, iyo Wareer hada sida qofka u asiibo u soo maro hadii jaceylka Lamaanayaasha isla walwaalaya mid waliba uu dhankiisa ka waraabinayo waa macaann Farxad iyo guul, iyo Baraare marka uu qaraarka noqonayo ee dhimashada iyo dhibaatada halista leh uu sababayo waa marka laga waraabinayo hal dhinac oo qofka uu jaceylku ku dhaco qofkii uu jaclaaday aanu la wadaageynin oo wiilka ama gabadha uu midkood kali ku noqdo.
Jaceylka waxaa la sheegaa in Aabihiis uu yahay Nasiibka , Hooyaddiina Calafka walaalihiisna dadaalka dadka uu jecel yahay waa kuwa runta iyo daacada uu ka yahay, kuwa uu neceb yahay waa kuwa ka been sheega kuna qaraabta ee daacada aanu ka ahayen Dookha ayey hishiis iyo Saaxibo wada yihiin Waxa uuna jaceylku ka yimaadaan Dareenka waxa uuna degaa Qalbiga
qoraa sare mr. heyle