In Kabadan Boqol Ruux oo Turki ah oo Ku Dhimatay…

Wednesday, May 14, 20140 comments


In ka badan 200 oo ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku naf waayeen qarax ka dhex goob macdanta laga qodo oo ku taala galbeedka wadanka Turkiga
Wararku waxaa uu sheegayaan in tirada dadka geeriyooday ay illaa hadda gaarayaan 201 ruux waxaana jira dad kale oo ku hoos jira godka qaraxu ka dhex dhacay oo dumay waxaana godku ku yaala gobolka Manisa.
Kooxaha gurmadka deg dega ayaa willi ku hawlan baadi goobka boqolaal shaqaale ah oo la aaminsan yahay inay willi godka ku dhex jiraan waxaana hawlgalkaani socdaa tan iyo xalay.
Wasiirka  tamarta dalka Turkiga Taner Yildiz ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxaa uu ku sheegay in goobta masiibadu ka dhacday ay ka shaqaynayeen illaa 787 ruux.
Tv,ga dawlada ayaa baahiyay in shaqaalaha gurmadku ay soo saareen illaa 80 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan lamana oga illaa hadda waxa dhaliyay qaraxa godka ka dhex dhacay
Ehelada shaqaalaha dhibaatadu qabsatay ayaa iskugu soo baxay magaalada Some oo qiyaastii 450 dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimada ah ee Ankara si ay xaaladda ula socdaaan










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog