Al Shabaab Oo Sheegtay In Ay Taageero Ka Heshay Dhalinyaradii Laga Soo Tarxiilay Dalka Kenya

Wednesday, May 14, 20140 comments



Ururka Al Shabaab, ayaa daboolka ka qaaday in ay taageero ka helayn dhalinyaradii Somaliyeed ee dhowaan laga soo tarxiilay dalka Kenya, laguna soo celiyay Magaalada Muqdisho.

Al Shabaab waxay Warbaahinteeda ku sheegtay ilaa 20 nin oo dhalinyaro ah, in ay tababar kaga furtay mid ka mid ah Xarumaheeda qarsoodiga ah ee Ciidamada ku tababarto.

Al Shabaab waxay kaloo sheegtay in Munaasabada furitaanka tababarka la siinaayo raggaan, uu khudbad ka jeediyay Madaxa Dacwada ee Ururkaasi Sheekh Fu'aad Maxamed Khalaf (Fu'aad Shongole).

Sheekh Fu'aad Shongole, ayaa dhalinta ku booriyay tallaabada ay ku doonayaan, in ay kaga aarsadaan Dowladda Kenya, oo lagu eedeeyay in ay si xun ula dhaqantay Soomaalida ku badan xaafada Islii.

Majirto ilo madax banaan oo xaqiijin kara waxa ka jira in Shabaabku ay tababar u furayn dhalinyaradii laga soo musaafuriyay Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya.










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog