mamo Soomaaliyeed oo Ciidamada Kenya kasoo tureen dabaq Dheer oo la amray in Isbitaalka laga saaro iyada oo Wali dhaawacyo qabta

Wednesday, May 14, 20140 comments

Wararka aan ka heleyno Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Hooyo Soomaaliyeed oo maalmo kahor Ciidamo katirsan Dowlada Kenya kasoo tureen dabaq Shan Biyaano ah lagu amray in laga saaro Isbitaalka lagu daweenayo.

Farxiyo Axmed Yarow ayaa hada ku jirta Isbitaal kuyaala Magaalada Nairobi oo lagu Magacaabo Al- amin nursing home , waxa ayna Hooyadan la dhibtooneysaa Dhaawacyo xoogan oo kasoo gaaray Dabaq shan biyaano kakooban oo Habeenimadii Jimcaha xili saq dhaxe ah ay kasoo tureen Ciidamada Kenya.

Mid kamid ah Ehelada Gabadhan Soomaaliyeed ee hada Isbitaalka ku jirta ayaa noo sheegay in maalintii shalay Maamulka Isbitaalka ay ku wargaliyeen in laga Saaro xaruntooda Farxiyo Axmed Yarow oo qabta dhaawacyo jabniin ah iyo jug kasoo gaartay dabaqa laga soo tuuray.
‘’Walaal Maamulka Isbitaalka waxa uu shalay nagu wargaliyay in aan kasaarno Isbitaalka Farxiyo Axmed oo wali la dhibtooneysa Dhaawacyo soo gaaray, manaqaan sababta Isbitaalka noogu amrayo in aan gabadha wali xanuunsan aan uga saarno ,marka aan weediinay waxa ay nagu war galiyeen in uu culees jiro mana noo sheegin halka uu culeeska ka heesto ‘’ ayuu yiri Mid kamid ah Ehelada Gabadhan oo magaciisa qariyay lana Hadlay Shabakada Allbanaadir.com

Maamulka Isbitaalka Al- amin nursing home ayaa ehelada Gabadhan Dhaawaca ah u sheegay in xitaa aysan ka rabin lacagta lagu daweeyay iyo qarashka ku baxay intii ay Isbiaalka ku jirtay , waxa ayna kaliya ka codsadeen in isbitaalkooda maanta oo arbaca ah laga sarao xaalada jira owgeed sida uu noo xaqiijiyay Qof ehel la ah gabadhan dhaawac ah.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Isdbitaalka uu culees kala kulmay laamaha amaanka Kenya oo ku amray in Isbitaalka ka saaraan gabadha Dabaqa ay kasoo tureen Ciidamada Kenya katirsan , waxaana la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay Isbitaalka buux dhaafiyeen Haya’ado iyo Ururo udooda Xaquuqda Aadanaha kuwaa oo Dowlada Kenya dhaleeceen usoo jeediyay.

Ehelada Gabadha dhaawaca ah ayaa hada qorsheenaya hadii ay xal kale waayaan in gabdha ay ka saaraan Isbitaalka ayna dib ugu celiyaan gurigeeda , waxaana Wararka aan helnay sheegayaan in gabadha dhibanaha ah lagu abuuray cabsi iyo wal wal la xariira in ay waxyeelo kale u geestaan askarta ama Dowlada Kenya si kiiskeeda loo baa bi’iyo .

Farxiyo Axmed Yarow waa Hooyo heesata shan Caruur ah mudana ku nooleed Dalka Kenya , waxa ayna heesataa sharciga dalkaasi , waxaana si gar daro ah dabaq dheer oo shan biyaano ah uga soo tuuray Ciidamo katirsan Koofiya casta Kenya kadib markii ay ka diiday in ay siiso lacago iyo dahab ay ku amreen in ay keento.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog