Waxaa saaka ku geeryooday Magaalada Muqdisho Marxuumad Xaawo Maxamed Yuusuf ' Jeesto'oo ka mid aheyd Fanaaniinta Kooxda qeylo dhaan horana uga tirsanaan Jirtay Kooxdii fanka ee Onkod ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Fanaanad Jeesto ayaa in mudo ah ku Xanuunsaneysay Gudaha Caasimada Soomaaliya ee Muqidsho ka dib Markii la sheegay in Xanuunka Kansarka uu ka haleelay Madaxa isla amrkaana Xaladeeda wax looga qaban waayay Gudaha Dalka soomaaliya.
Marrxuumada Walaasheed oo lagu magacaabo Xafsa Maxamed Yuusuf ayaa Idaacada Kulmiye ee Fadhigeedu yahay Muqdisho u Xaqiijisay geerida Walaasheed Xaawo jeesto waxa ayna tibaaxday in Cudurka kansarka ay dhaqaatiirtu ku sheegeen isla markaana tilmaameen in Gudaha Wadanka iyo qaarada afrikaba aan wax looga qaban karin Xaaladeeeda.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com