Ayadoo ay iska soo daba dhacaayaan Codsiyada ay inoo soo dirayaan dumarka iyo Raga soomaaliyeed ee guurdoonka ah. Waxaa codsi cajiib ah inoo soo dirtay Gabar lagu magacaabo, Sahlan Siyaad Dhakane oo kunool dalka Australia. Codsigii Sahlan ayaa u qornaa sidatan.
Asc Wr Wb, Ikhwaanii anigoo ah gabar walaashiin soomaaliyeed ah waxaan idinka codsanaya inaad ii gud bisaan codsigeyga.
Waxaan ku dhashay Muqdisho sanadka markuu ahaa 1985tii, sanadii 2007 ayaan nasiib u yeeshey in aan dalkan Australia imaado, waxaan ahaa gabar Dugsiga sare soo dhameysey, Qurankana si fiican u taqaan, Laakiin markaan halkaan imid wax waliba waa ay is bedeleen, Waxaan is baranay gabdho Pakistan u dhashay oo aan umaleynaayey gabdho muslimiin ah oo wanaagsan, Habeen ayey gurigooda i geeyeen cabitaanka ayeyna wax iigu dareen, Markaas wixii ka dambeeyey waxa meesha ka dhacaayey waxba kalama soconin, Subixii ayaan kusoo toosay anigoo rag iyo dumar qaawan la jiifo, waan qaracmay waan naxay waan argagaxay, waan ooyay. Balse waxay iigu hanjabeen in ay muuqaalo iyo sawiro iga haayaan. Waxaan ku iri waxaad doontaan sameeya. Markaas wixii ka dambeyey ayay bilaabeen in ay muuqaalo ay iga duubeen geliyaan Youtube ka iyo sawiradeydana geeyaan baraha ay bulshada ku kulanto sida Facebook, Twiter iyo Instigram.
Waxaan noqday mid kasoocan soomaalida xitaa qoyskeyga waa uu gaaray muuqaalkaasi iyo sawiradaasiba, Waxaan ku dhawaaday inaan is dilo waxaan arkay ciil aduun iyo murugo aduun tii ugu darneyd, Somali oo dhan waan ka soocmay, iskabadaa nin i guursanaayo in uu jiro salaanta ayaa la iga qaadeynin, Mudo kadib ayaa waxaan is baranay, Nin muslim ah oo Itobiya u dhashay asagii ayaana i guursaday , markii aan waayey wiil soomaali ah oo i guursada, Ninkii alx laba gabdhood ayaan u dhalay , Calafka ayaana intaasi ku ekaa waan kala tagnay. Hada aniga iyo gabdhaheyga waxaan kunoolnahay Isla dalkii aan kunoolaa Australia, Weli majiro wiil soomaaliyeed oo doonaya inuu i guursado, Sidaas darteeda waaxaan bulshada soomaaliyeed u cadeynaa inaan aheyn gabar xun , waxaan ahay gabar ku dhegan diinteeda islaamka, xili walbana quraanka waan aqristaa gabdhaheygana waan baray, Balse qof waliba wuxuu iga heystaa fikir qaldan, markii la faafiyey muuqaalo la iga duubay anigoo niman ila galmoonayaan oo Anigana suuxsan. Walaalyaal waxaan idinka codsanaa in takoorka la iga dhaafo, waxaan ahay qof walaashiin oo nafley un baahan qof ay nolosha la wadaagto, Shabakada waxaan idinka codsanayaa inaad codsigeyga gaarsiisaan umada soomaaliyeed, Waxaan ahay weli gabar yar waxaana illaah ka baryaa wiil soomaaliyeed oo daacad ah oo nolosha ila qeybsado iguna qaadanaaya sida aan ahay, madama ay umada dhan shaki been iga qabaan. Walaalyaal Raga soomaaliyeed kuwooda daacada ah oo aan aflagaado igu dhaawaceynin waxay igala soo xiriiri karaan facebook gaan https://www.facebook.com/malyuunsiyaad?
HOOS KA DAAWO SAWIRADA SAHLAN SIYAAD DHAKANE
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com