Tirada Ciidamada Kenya looga dilay Gudaha Soomaaliya tan iyo markii ay soo galeen oo la shaaciyay

Thursday, May 15, 20140 comments


Wasiirka difaaca dalka Kenya haweeneyda lagu magacaabo Rachael Omamo ayaa sheegtay in Ciidanka Kenya looga dilay dagaalada ay kula jiraan Al Shabaab ee dalka Somalia illaa 800 oo askari.

Rachael Omamo ayaa sheegtay in inta badan Ciidamada Kenya lagu dilay iska horimaadyo ka dhacay Xuduuda dheer ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

“Ciidamada Difaaca Kenya waxay riixeen oo ay Xuduudaha Kenya ka fogeeyeen xoogaga Al-Shabaab, waxayna hadda jooggaan Kismaayo agagaarkeeda iyo meelaha ka shisheeya” ayey tiri Rachael Omamo.

Wasiirka difaaca Kenya waxay sheegtay in askarta tirada badan ee looga dilay Soomaaliya aysan niyad jab ku keeni doonin ciidanka difaaca Kenya oo ay xustay iney yihiin geesiyaal naftooda u huray difaaca dalkooda.

Ciidamada Kenya ayaa bishii Oktoober ee sanadkii 2011- gudaha u soo galay gobolada K/Soomaaliya, iyadoo la dagaalamaya Al-Shabaab oo ay ku eedeeyeen iney falal amaan daro ka geysteen gudaha dalkooda












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog