Shacabka ku dhaqan Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa ayaa qaatay una hogaansamay amar la sheegay In uu kasoo baxay rag Shabaab katirsan oo xaafadaasi kusugan.
Warqado Digniin ah oo lagu amaryo dadka dagan Xaafada Suuqa Xoolaha ayaa habeeno kanor waxaa lagu daadiyay Xaafada Suuqa Xoolaha , waxaana dadka dagan xaafadaasi lagu amray in ay damiyaan nalalka wadooyinka iyo goobaha ganacsi ay ku dhajiyeen.
Goob jooge kusugan Xaafada Suuqa Xoolaha ayaa Warbaahinta u sheegay in manta uu xaafadaasi ka dhaqan galay amarka Al-Shabaab kasoo baxay ee ah in la damiyo nalalka ku dhagan wadooyinka Suuqa Xoolaha iyo Goobaha Ganacsi.
Dhinaca kale Maamulka Degmada Hiliwaa ayaa si kulul uga hadlay amarka kasoo baxay Al-Shabaab iyo dadka u hogaansamay , waxa ayna maamulka iyagana dhankooda ku amreen dadka dagan Xaafada Suuqa Xoolaha in ay nalalka ku dhajiyaan wadooyinka iyo Goobaha ganacsi.
Gudoomiye kuxigeenka Dhinaca Arimaha Bulshada ee Degmada Hiliwaa ayaa ku hanjabay in ay tilaabo adag ka qaadi doonaan dadka u hogaansama amarka Al-Shabaab iskana damiya Nalalka ku dhagan wadooyinka xaafadahaasi iyo guryahooda hortooda.
Shacabka ku dhaqan Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa ayaa la dhibtoonaya qaadashada labo amar oo is diidan ay siinayaan Dagaalyahanada Al-Shabaab iyo sidoo kale Maamulka Dowlada ee Degmada Hiliwaa.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com