Qaraxyo ay ku dhinteen dda kabadan 100-qof oo ka dhacay Dalka Nageria (Daawo Sawirada)

Wednesday, May 21, 20140 comments

Shalay galinkii dambe Magaalada Jos ee dalka Nigeriya waxaa ka dhacay labo qarax oo aad u xoogan kuwaa sababay geerida dad gaaraya 118-qof iyo tiro intaa ka badan oo dhaawacyo ah.

Qaraxyada oo kala horeeyay ayaa ka dhacay Suuq aad u mashquul badan oo kuyaala Magaalada Jose , waxaana qaraxyadaasi loo adeegsaday gawaari waxybaaha qaraxa laga soo buuxiyay oo Suuqa lasoo dhigay.

Suuqa ay qaraxyadu ka dhaceen waxaa sidoo kale ku yaalay Boosteejo laga raaco basaska iyo Tareenada , qaraxyada xoogan ayaana la tilmaamay xiliga ay dhacyeen in halkaasi ay joogeen dad aad u tiro badnaa.

Qaraxa koowaad markii uu dhacay kadib dadkuna bilaabeen in ay u gurmadaan dadka ay waxyeeladu gaartay ayaa hada 30-daqiiqo kadib waxaa qarxay bus waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay kaa oo la tilmaamay inta badan qasaaraha in ay ka dhasheen.

Ma jirto ilaa had cid sheegatay Masuliyada Qaraxyadan dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Magaalada Jos Rabshadaha badan inta badan ka dhacaan ee wada dagan yiiin Musliliimnta iyo Kirshintaanka Dalka Nageriya




















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog