U Gaar Dumarka: Daawo Inta Arimahaan Jiraan Waa Adag Tahay In Uu Runta Kuu Sheego , In Uu Wax kaa Qariyo Mooyee

Thursday, May 8, 20140 comments

Mararka qaar haweeneyda ayaa si kadis u ogaaneysa in ninkeeda arimo qaarkood uu ka qarinayo taasi oo durba dhalineysa qilaafaadka dhanka qoyska ah .

Hadaba hadaad arimahaan ay ku haystaan , ka hor intaa adan kicin mushkilad waxaad is weydiisaa sababta ninkaada ku qasabtay in uu wax ka qariyo.

Kalsooni Darro : tani waxaa lagu tirayaa midda ugu daran ee dhalisa kuna qasabtay ninka in uu qariyo xaaskiisa arimo badan , waxa ayna u laaban kartaa tijaabooyin hore uu soo maray ama in adiga uusan kugu kalsooneyn .

In Si Beer Jileecnimo Ah Aad U Wajahdo Arimaha : haweenka aad ayay ugu beer jilcan yihiin arimaha qaarkood , taasina waxa ay ninkaada ka yeeleysaa in uu ka shakiyo awoodda aad u leedahay in aad u dul qaadato arimaha qaarkood oo aad ku wajahi karto ama uga hor tagi karto , waxaa laga yaabaa in uu ka baqayo in arintaas ay saameyn kugu reebto , hadaba si caqliyesan ula tacaamul arintaan oo cadaadis haku saarin ninkaada banaanka soo dhigo waxa uu qarinayo waayo mushkilad kale ayay dhalin kartaa.

Tijaabooyin Fashilmay Oo Hore : la iskama indho tiro karo tijaabooyin xun oo hore iyo saameynta ay ku leeyihiin la tacaamulidda ninkaada , waxaa laga yaabaa in tijaabo hore oo ah in arin haysatay uu kaala hadlay dhinac kale balse kadis ay ku noqotay in arintii banaanka u soo baxday .


In Si Qaldan Wax Uga Fahanto : Waa dhici karta in ninkaada uu ka qariyo wax ku taagan oo ku meerasanaya maskaxdiisa maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in aad qalad u fasirato waxa uu ku leeyahay taasi oo dhibaato ku keeni karta jiritaanka qoyska .
Waxa Uu Ka Baqayaa In Uu Ku Waayo: isaga oo baqaya in uu ku waayo ama ka fogaato ayaa arimaha qaarkood uu kaaga qarinayaa











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog