War Deg Deg Ah Qaraxyo Xoogan iyo Rasaas Wali laga maqlayo xarunta Golaha Shacabka Xili ay Dowladu sheegtay

Saturday, May 24, 20140 comments


Qaraxyo xoogan iyo Rasaas goos goos ah ayaa wali laga maqlayaa Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana soo baxaya Warar sheegaya in qaraxyada goordhaw la maqlay ay yihiin rag waxyaabaha qarxa ku xirnayaeen oo katirsanaa Al-Shabaab oo qarxay.

Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa gabi ahaan waxa ay xireen wadooyinka soo gala xarunta Golaha Shacabka , waxa ayna Ciidamada halkaasi kawadaan baaritaano ay ku raadinayaan rag nool oo katirsan Shabaabkii weerarka fuliyay.

Inta badan waxaa la dilay ragii katirsanaa Al-Shabaab ee weeraray xarunta Golaha Shacabka inkastoo aan tiradooda rasmiga ah laheyn , waxaana saraakiil katirsan laamaha amaanka ku warameen in qaraxyada goordhaw dhacay ay yihiin xubno katirsan Shabaab oo la dilay kahor inta aysan is qarxin .

Wasaarada Amniga Qaranka XukuumadaSoomaaliya ayaa goor sii horeesay sheegtay in lasoo afjaray weerarkii lagu qaaday xarunta Golaha Shacabka , waxaana wali muuqda in Qaraxyo iyo rasaas mararka qaarkood laga maqlayo xarunta Golaha Shacabka












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog