Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka hadlay go’aankii Shalay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay Shaqada uga joojiyeen Shirkada FAVORI.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa ku tilmaamay Shaqo joojinta lagu sameeyay Shirkada FAVORI in ay tahay mid lagu curiyaaminayo horumarka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.
Mudane Tarsan ayaa ug baaqay Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya in ay noqdaan kuwa u shaqeeya Shacabka iyo Qaranimada Soomaaliyeed islamarkaana aan la caqabadeyn Shirkada horumarinkara Dalka Soomaaliya sida uu hadalk u yiri.
Hadalka Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa waxuu imaanayaa Iyadoo Shalay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay go’aan cad ka qaateen shaqada Shirkada FAVORI ay ka heysay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com