(Warbixin Xasaasi ah) Xildhibaanada Diyaarinaya Mooshinka Madaxweynaha Soomaaliya lagu ridayo oo sii kordhay

Friday, May 30, 20140 comments

Warar hoose oon heleyno ayaa sheegaya in ay kordheen maalmihii lasoo dhaafay Xildhibaanada Siyaasad ahaan kasoo horjeeda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dhwaana ugu baaqay in uu is casilo.

Kulamo hoose ayaa maalmihii lasoo dhaafay kasocday Hoteelo kuyaala Magaalada Muqdisho , waxaana kulamadaa lahaa Xildhibaanadii dhawaan soo saaray bayaankii Madaxweynaha loogu baaqay in uu is casilo.

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in wali ku hoolan yihiin diyaarinta Mooshinka lagu ridayo Madaxweynaha Soomaaliya , waxa uuna intaa raaciyay inay ay maalinbo maalinta ka dambeysa sii kordhayaan Xildhibaanada kasoo horjeeda Madaxweynaha.

‘’ Waxaan wali wadnaa diyaarinta mooshin lagu ridayo MadaxweynahaSoomaaliya maadaama uu kabiyo diiday in uu qaato bayaankii aan uga codsany in uu is casilo , Xildhibaanada ku baaqay in uu is casilo Madaxaweynaha in ay sii kordhaan maahanee majirto in ay yaraanyaaan’’ ayuu yiri Xildhibaan la hadlay Shabakadaan.

Xildhibaanada hada kusoo biray Xubnihii horey bayaanka u soo saaray ayaa la sheegay in ay ka caroodeen Maamul xumada dalka ka jirta iyo amaanka oo faraha kasii baxay kadib markii weerar dharaar cad Al-Shabaab ku galeen xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Madaxtooyada Soomaaliy ayaa waqti iyo qarash badan ku bixisay kala fur furka Xildhibaanada kasoo horjeeda Madaxweynaha Soomalaiya , hasa ahaateewaxaa muuqata in qorshahaasi uusan hirgalin uuna u muuqdo mid fashil ku dhamaaday.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog