Wiil uu dhalay Faroole oo Xabsiga kuyaal Australia (Daawo Sawirada)

Sunday, May 11, 20140 comments

Qar ka Mida warbaahinta Kasoo baxda magaalada hargaysa Mamaulka Silanayo Ayaa Siweyn Ugu hadal hayey Inuu jiro Wiilka Curadka Madaxweynahii Hore Ee Puntland Maxamed abdiraxmaan Faroole dalka Australia lagu Xiray. Sidoo kale waxay Qaar ka MIda warbaahinta Muqdisho Qoreen Inuu Maxamed abdiraxmaan Faroole Xiligani Mucarad Bilabay Dowlada Dr cabdiwali maxamed cali gaas kaasi Oo u kaga Horjeedo Maamulka Cusub. 

Hadaba Qaar ka Mida Masuulinta Puntland Ayaa Sheegay Inuu yahay warkaasi midana Raad lahayn isla Markaasina Aysan Jirin inay dalka laga mamnuucay Maxamed abdiraxmaan Faroole. 

Warbixinti Warbahainta Hargaysa Qar ka Mida Akhriso Curadka Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole oo lagu magacaabo Maxamed C/raxmaan oo haysta dhalashada dalka Australia ayaa dib ugu noqon waayay magaaladii uu ka yimid ee Melbourne markii xukunka lagala wareegay Aabihiis, wuxuuna guri lagu tilmaamay qasri uu ka iibsaday magaalada Dira-dhabe ee dalka Itoobiya. 

Sababta dowladda Australia ay ugu hor istaagtay inuu ku noqdo ayaa la xaqiijiyay in ay tahay danbi la xariira arrimo qoys, waxaana laga mamnuucay inuu galo dalkaasi. 

Lacag fara badan oo cadadkeeda aan naloo xaqiijin ayuu guri kaga iibsaday Dira-dhabe, halkaasi oo uu deegaan ku noqday. Maxamed C/raxmaan ayaa intii uusan Aabihiis Puntland ka noqon Madaxweyne wuxuu magaalada Melbourne kaga shaqeysan jiray Taksi, balse kasoo tegay ka hor inta uusan xilka Madaxweynenimo qabin aabihiis. Maalmahan ayaa Idaacadda iyo bogga Garoweonline ee milkiyadiisa uu leeyahay ayaa mucaaradnimoa cusub ku billaabay maamulka cusub ee Cabdiweli Gaas, halka markii uu Aabihis xilka hayay u shaqeyn jiray sidii Wargeyskii Kacaanka ee Xiddigta Oktoobar. Maxamed Faroole wuxuu ahaa qofka kaliya ee awoodii maamulkaa Puntland gacanta ugu jirtay xiligii uu aabihiis ahaa Madaxweynaha, waxaana la sheegay in hantidii ugu badneyd ee Maamulka Puntland lahaa ee la rabay markii laga guuleystay aabihiis inuu wareejiyo aysan dhicin in lagu wareejiyo maamulka cusub.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog