Xasan Sheekh oo ka hadlay Wararka Sheegaya in Dowlada Imaaraadka lacag ku siisay Xildhibaanada in ay isaga ridaan

Friday, May 16, 20140 comments


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeesay soo hadal qaaday Warar maalmahan soo baxayay oo sheegayay in Dowlada Imaaraadka carabta ay ku hoolantahay in Madaxweynaha xilka ay ka tuuraan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Warka sheegaya in Imaaraadka carabta uu qarash ku siinayo Baarlamaanka in ay ridaan in ay tahay war aan waxbo ka jirin oo Warbaahinta tabiyeen , waxa uuna Tilmaamay in Dowlada Imaaradaka ay taageersantahay Dowladnimada Soomaaliya.

‘’Waxaa Suuqa soo galay oo Warbaahinta faafiyeen in Dowlada Imaaraadka ay lacag kusiineeso Baarlamaanka inay Xilka iga tuuraan , warkaasi waa been aan waxbo kajirin , Imaaraadka waxa uu gacan siiyaa Dowlada waxa ayna Dalka ka wadaan mashaariic kala duwan ‘’ ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee isaga diidan ugu baaqay in ay la fadhiistaan si ay wax isaga weediiyaan xaaladaha taagan iyo Bayaanka ay usoo jeediyeen ee ah in uu Madaxweynaha is casilo.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya Xili ay maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen Warar sheegaya in Dowlado carbeed iyo Ururo ay gadaal ka riixayaan Mooshinka ay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ku doonayaan in xilka looga tuuro Xasan Sheekh












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog