Sheekh C/Raxmaan Al-Ansaari Oo Sheegay Inaan Laga Hari Doonin Kuwii Dilay Sheekh Maxamuud Qoorleex

Thursday, May 15, 20140 comments

Sheekh C/raxmaan Al-Ansaari oo ka mid ah Saraakiisha sare sare ee Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed, ayaa si kulul waxa uu kaga hadlay dilkii xalay Magaalada Luuq ee Gobolka Gedo loogu geystay Sheekh Maxamuud Qoorleex.

Sheekh Maxamuud Qoorleex oo ahaa Gudoomiyihii Maxkamada Degmada Luuq, ayaa waxaa xalay lagu dilay agagaaraha hoygiisa, xilli uu Masaajid u dhow hoygiisa uu ku soo tukaday Salaaddii Cishaha ahayd.

Sheekh C/raxmaan Al-Ansaari, ayaa waxa uu sheegay in ay soconayaan baaritaano ku aadan 3 nin oo dishay sida uu sheegay Sheekh Maxamuud Qoorleex, oo si weyn looga garanaayay Degmada Luuq.

Sheekh C/raxmaan Al-Ansaari, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay Cadaalada horkeeni doonaan, cid kasta oo ku lug yeelata dilka Sheekh Maxamuud Qoorleex, isla-markaana aan la cafin doonin, sida uu yiri.

Al-Ansaari oo la hadlaayay Idaacadaha Magaalada Muqdisho, ayaa si horudhac ah u sheegay in ay xogta ku hayaan dilka Sheekh Qoorleex, in laga soo maleegay Degmada Doolow, sida uu yiri.

Majirto cid sheegatay masuuliyada dilka Sheekh Maxamuud Qoorleex, wuxuuna dilkiisu noqonayaa mid saamayn ku yeesha dadka reer Luuq.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog