Wararka aan ka heleyno Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in xalay Magaaladaasi looga dhawaaqay 7-kamid ah Golaha Wasiirada uu yeelanayo Maamulka Shabelle State oo bilo kahor lagu dhisay Gobolkaasi.
Madaxweynaha Maamulka Shabelle State Abuukar Mardaadi ayaa ku dhawaaqay todobo kamid ah Golaha Wasiirada Maamulkiisa kuwaa ay ku jiraan rag si weyn looga yaqaan gudaha Soomaaliya horeyna qaarkood xil uga soo qabtay Dowlada Soomaaliya.
Golaha Wasiirada ee Maamulka Shabelle State xubnaha la magacaabay waxaa ku jira Gudoomiyihii hore ee Degmada Howlwadaag Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) oo loo magacaabay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo amaanka Maamulka Shabelle State.
Halkan ka Aqriso Liiska Golaha Wasiirada
1-Dr Cusmaan Maxamed Maxamuud : Wasiirka Garsoorka iyo Diinta
2-Dr Cusmaan Axmed Macalin Ibraahim: Wasiirka Waxbarashada , dhalinyrada iyo Ciyaaraha.
3-Cali Nuur Maxameed “ Wasiirka Maaliyada iyo Lacagta
4-Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga
5-Dahabo Zuzu Maxamed “ Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
6-Xaawo Luul Aadan Buulle : Wasiirka Haweenka iyo Daryeelka Caruurta
7-Yuusuf Muuse Guure:Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
Madaxweynaha Maamulka Shabelle State iyo xubno badan oo katirsan Maamulkaasi ayaa maalmahan kusugan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose , waxaana maanta la filayaa in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada Muqdisho.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com