Aqriso Nin maseer ay ku dishay xaaskiisa Oo tala raadis ah

Sunday, June 22, 20140 comments

Magaceygu Waa Ismaaciil Kaamil Kunool Dalka Soomaliya Qaasatan Gobolka Hiiraan Magaaladiisa Baladweyne, Waan Idin Salaamaya Dhamaan Bahda Shabakaddaan.

Waxaan Ahay Xaasle Sedex Caruur Leh, Dhibka i Heysta Waxa uu Yahay Xaaskayga ayaa aad u maseyr Badan iima ogola inaan Habeenkii Sideeda 8:00 pm aan Kasoo dabo Maro, Hadii aan Daqiiqado Dib Ugu Soo Dhaco Waa ay Isoo Waceysa Waxa eyna Hubsaneysa Waxaan Xiligaa hayo, inaan Hablo Kale Lahaasaawaayo iyo in Kale, anigana Maalintii oo Dhan Shaqo ayaan Ku Maqanahay Habeen kiina Waxaan Jeclahay inaan Dhalinyarada Xaafadda lasoo Sheekeysto ilaa 9:00 pm Habeenimo ee Xaaji Tahriibow Adaa Aabaha Talo Celinta ehee Sideen Wax yeelaa.

Talo Celin
Marka hore Salaanta aad Hawada Noosoo Marisay Mid lamid ah ayaan Anagana Kusoo Marineynaa Meesha aad Joogta Hadii aanu nahay Bahda ilatali, Teeda Kale Ismaaciil Gabadha Kuu dhaxda ee Xaaskaaga ah Waa ay kaa sax San tahay, Sababtoo ah Waxaad Sheegtay Inaad Maalintii oo Dhan aad Shaqo ugu Maqan Tahay, Marka Waxaa Lagaa Rabaa Hadii eyba Maalintii Dulqaadatay Inaad adne Habeenkii Ugu Darin oo Xiliga aad Shaqada Ka Timaada Waxaa Kuu Haboon inaad Caruurtaada Iyo Xaaskaga La Qaadatid Waqti (Time) Ilaa Ayaagaa Sheeka Kaaga baahane.

Tan Kale Dhalin Yarada Asxaabtaada ah ee aad Xaafadda Kusoo Wada Korteen iyagana Maalmaha Fasaxa Shaqada Ka Tahay ee Jimcaha ah sii saacada Kooban oo aad Kala War Qaadatan Meeshii aad Habeen Walbo aad Time Siin Jirtay, OGOWNA QOFKA KAA MASEYRAA WAA QOF KU JECEL.

Taladaasi Waxaa lasiiyay ismaaciil Kaamil oo warqad Talocelin ah Nooga Soo Qoray Dalka Soomaliya Qaasatan Gobolka Hiiraan Magaaladiisa Balad-Weyne.




_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog