“Waa ay Dhib Badan Tahay Wax aad Waqti iyo Lacag aad gelisay in Hadana aad Si Fudud Ku waysaa Markii ad Is Laheyd Gaaxda Jaceylka Sanadaha aad Soo Dhisaysay Hadaad maali Doontaa”, Ayuu Hadalkiisii Ku Bilaabay Dhibanahan.
Ciise Waxa uu Ku Sugan yahay Dalka Sweden Waxa Xiriir Jaceyl uu dhex Maray Ladan Maxamud oo iyana Ku Sugneyd Dalka Keenya , Ladan Iyo Ciise Waxa uu Jaceylkooda Ka Unkamay Qadka Internetka.
Ladan Waxa ay Ciisa u Dirtay Sawiro Indho Daraan Dar ah oo Qacdiiba Markuu Arkay uu quruxdeeda ku dawaqay, Taasoo Sahashay in uu Yiraah ”Marxaba Waaba Xuural Ceyntii La ii Soo Diray”.
Sida uu Aaminay Ciise Waxa uu Qalbigiisa Ka dhaadhiciyay in inantan sida Dag Daga ah Qalbigiisa ku Dagtay uu Si Fudud uu Ku heli doono, Tii Alase Meel ayeey Taala.
Ladan iyada Qorshaha Ciisa U Dagan Mooye Qorsha Kala U Daganaa, Sababtoo ah Wiil Ayeey saaxiba ahaayeen oo ay qalbigeeda ay ka jecleyd, Waxa ayna Dagtay Kaarta ah In Ninkaan Markuu Meher Iyo Aroos u Dhiga Lana Geeyo Sweden Ineey Iska Furto oo ay Usoo dacwoota Wiilka Qalbigeeda Ku Qoraa oo ay jaceylka mugiisa aan la cabiri karin u heysay.
Ciisa Isaga Waxa uu Ahaa Guurdoon Xagiisa Geedka Jaceylka Waa uu Ka Adkeeyay, Halka Ladan ey aheyd Jaanis doon, o ay is Dheheysay Ninkaan Mar uun Yurub Ha ku Geeyo Si aad maan Qaboojiyihii aad Madluunka u aheyd mar uun meeshaan u keento.
xaalka waxa uu soo Gaaray Meeshii ugu Danbeysa Ciise Waxa uu Telefoon ku wacay Ladan Waxa uu Xabiibtiisa aan Qabiga u amaihin U sheegay In Reerkooda uu Ka Doonanaya Kadibna uu soo dacwoonaya oo uu sedex Bilood Gudahood sweden ku Keni Doonna…… ladan alxamdulilahi ayeey tiri markii hadalkaas ay dhagaheede soo gaaren.
Ciise Waxa Sidii Lagu Balamayba uu Ladan Ka Doontay Reerkeeda, Waa Lasiiyay, waxaana loo dhigay Meher uu qarash Badan kaga baxay, bilooyin kadibna dood ayuu u u furay ciise , waxaana todobaad kahor iyada oo Ooridii ciisa ah Kadagtay Dalka Sweden Hayeeshee Maxaa Dhacay.
Waxa Markii Ay Tagtay Sweden iyada oo aanba dhameysan ay Lasoo Baxday Dabeecad Qalafsan Iyo In ay Iyada oo La joogtay seygeeda ciise Ay Tel ku wacdo wiilkii ay Horey U Jecleyd.
Ciise Waxa uu Ladan Ku arkay wax Badan oo uu u Dulqaadan waayay, Taluu Rog Rogay Waxaa uuna Go,an Ku Gaaray Inuu Furo, Xorna ay U Tahay Ineey Magaalka Dhinac Ka Gasho Ilaa Naf Aan ku Rabin Layskuma Qasbi Karee, Waxa uuna Isaga oo Isla Hadlaya uu Yiri:-
“Dumarka Sanadkan Lama Aamini Karo, Sabatoo ah Dumar Fara Badan oo aan Ka Gacloday Dalkan aan Jooga Waan ku Hungoobay, Tii aan Is Iri Afrikaad Kala Timide adaa Ka Adagne sidaan Bey ii Gashay…. wayoo way, Ladan Meysan aheyn Guur doon oo waxa ay eheyd Jaanis doon, ee Dadow Dibirtaas Igu Dhacday waa iga dar daarane”. ayuu Hadalkiisa Ku soo Afjaray Dhibane Ciise.
Waxaana Sidaa Noogu Warantay Miski Maxamed yuusuf oo ku sugan Dalka Keenya, Qisadaasna Xog ogaal u eheyd min Bilow Ilaa
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
