Faarah Max’med Faarax Shirdoon oo kamid ahaa jaaliyadda soomaalida Dalka Canada gaar ahaan magaalada Calgary ayaa kasoo muuqday Video ay ay Qaacidada Syria soo dhigtay baraha Internetka.
Shabakadda CBC News Canada ayaa booqatay gurigii uu magaalada Calgary ka deganaa Faarax Max’med Faarax waxayna wareysiyo layeelatay ehelka Faarax oo sheegay in ay ka naxeen markii ay warbaahinta ka arkeen wiilkooda oo jarjaraya baasaboorka Canada isla markaana sheegaya in uu al Qaacido ku biiray.
Qoyska uu Faarax Max’med kasoo jeedo ayaa caan ka ah wadanka Canada waana qoys ku jiray siyaasadda Soomaaliya balse wiilkooda ayaa Go.aan ku gaaray in uu al qaacido qayb ka noqdo .
Wiilkaan uu adeerka u yahay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sanaddii 2012 ka qalin jebiyay machadka Alberta Institute of Technology oo ku taala Dalka Canada waxayna bulshada soomaalida Canada qirtay in uu ahaa Nin aqoon leh oo heer sare ka gaaray barashada cilmiga Technology-da.
Kooxda Al Qaacidada Dalka Syria ka dagaalanta ayaa laba bil ka hor soo saartay Filim muuqal ah oo uu kasoo muuqanayay Max’med Faarah oo hanjabaad udiray Mareykanka iyo Canada.
Michel Coulombe oo ah madaxa sirdoonka dalka Canada ayaa bishii Febaraayo ee lasoo dhaafay sheegay in 130 dhalinyaro Candian ah ay u jihaad doonteen wadamada Yemen,Suuriya,Soomaaliya iyo Waqooyiga qaaradda Afrika waxaana uu qayb ka noqonayaa Dhalin yaro badan oo Dagaalka al Qaacido ee Aduunka ka socda ka qayb ah.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com