Waa Sheeko Ujeedo Badan.Wiil iyo gabar yar oo isla dhashay ayaa raashinka leeysugu dari jiray. Wiilku gabadha yar raashinka wuuka boobi jiray,oo marka loo keeno si iimaan daro ay ku jirto ayuu labada gacmood ku qaadan jiray afkisa oo weli buuxa.Gabarta yartaa waxay mudo dheer sidaas ku dhibanaataba, oo sadkeedii ayadoo arkeeysa laga boobabo, waxaa ilaaheey amarkiis mudo ka dib ku baraarugay dhibkii inanta yar heystay waalidkii dhalay, kadib markii ay arkeen gabadhii yareeyd oo sii caatoobeysa,iyo wiilkii oo sii naaxaya, waxay go’aan ku gaareen inaan mar danbe raashinka leysugu darin labadooda, oo qofka gaar loo siiyo cuntadiisa.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa raashinkii loo kala keenay labadii ilmood, markaas ayuu wiilki bilaabay inuu raashinkii boobo oo afka iyo labada gacmooddba ka buuxsado,sidii caadadiisu aheyd, laakiin iloowsan inuu kaligiis yahay oo aan inantuu ka boobi jiray waxba ugu darsaneeyn.
Odaygii iyo islaantii dhalay caruurta ayaa la yaabay qaab dhaqanka wiilka…kaligiis cuntada iska boobaya!!Gabadhii baa intey qososhay tiri…” HOOYO IYO AABOOW ..HALA YAABINA WALAALKEEY…WUXUU ANIGA IGU HEYN JIRAY MUDADADA DHEER, AYUU HADDA ISAGU ISKU HAYAA” kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk!
Inkastoo ay sheekadan gaaban ee aan kor kusoo xusay tahay mid aan ujeedo uga gol leeyahay,isla markaana aan ku gudbinayo fariin dadban
ayaa macnaha guud waxay isugu soo biyo shubaneeysaa…..” ADIGOO SADKAADII HEYSTA, HA DOONAN SAAMI DHEERAAD AH”
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com