Daawo Sawirada Gabar guursatay nin ay jecleed oo si xun loo ciqaabay kadibna Wabi lagu tuuray

Saturday, June 7, 20140 comments

Saba Maqsood oo ah gabar u dhalatay dalka Pakistan ayaa ka badbaaday dil ay la magaanayaan faamilkeeda kuwaas oo laba mar xabad ku dhuftay kadibna ku tuuray wabiga, iyaga oo ka careesan in ay guursatay wiil ay jeclaatay.

Gabadhan oo jirta 18 sano waxaa ka xanaaqay guurkeeda faamilkeeda waxaana weereer si wada jir ah ugu soo qaaday aabaheed, adeerkeeda iyo walaalkeeda iyada ka wayn iyo xaaska adeerka iyaga oo ka xun ninka ay guursatay sidaasna waxaa sheegay afhayeenka police -ka Akbar, Hafizabad, Punjab province.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay gabadhaan guursatay wiil ay daris yihiin oo lagu magacaabo Muhammad Qaiser shan maalin ka hor inta aan gabadha la dilin, go’aanka ay gabadha ku guursatay wiilkaan ayaa noqday mid aan u cuntamin reerka ay ka dhalatay.

Weerarka ay ku qaadeen faamilka gabadhooda Saba Maqsood taas oo sababtay in ay dhaawac ka noqoto bushinta iyo gacanteeda midig.

Markii ay wabiga ku tuur reerka gabadhooda ma aysan ku sii nagaan goobta reerka way wada baxsadeen, gabadhan ayaana ku dhex suuxday juunigii lagu riday iyadoo markii danbe ka soo dhex baxday juunigaas iyadoo ka heleeso caawimaad dad badan oo meesha ka dhawaa.

Saba Maqsood ayaa sheegtay in waxa sidaas u galeen ay ahaayeen aabaheed oo lagu magacaabo Maqsood Ahmad, walaalkeeda Faisal Maqsood, iyo adeerkeeda Ashraf Ahmad iyo adeerka xaaskiisa Sajida Bibi,"

Xaalada caafimaad ee saba ayaa hada wanaagsan kadib markii ay ka soo gudubtay xaalad halis ah, police ka ayaa sheegay in ay baxsadeen kuwii falkaas kula kacay Saba.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog